Khilaaf cusub iyo jaah-wareer ayaa ka dhashay Shirkii lagu baaqay, ee la doonayay in lagu xalliyo muranka Arrimaha Doorashada Soomaaliya, kaas oo sida qorshaysan loo ballansanyahay 15-ka February 2021.
Doodda ugu adag ayaa haatan ka taagan, halka ay tahay in lagu qabto Shirka ku saabsan Arrimaha Doorashada, waxaana dooddaas ku sii kala fogaaday dhinacyada siyaasadda dalka, gaar ahaanna dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada qaarkood.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe, oo warbaahinta la hadlay ayaa ku celiyay in Shirka Arrimaha Doorashada lagu qaban doono magaalada Garoowe, inkastoo hore Puntland uga cudur-daaratay marti-gelinta Shirkaas.
Dhinaca kale Puntland, Jubaland, Aqalka Sare iyo Midowga Murashixiinta Muqdisho ayaa dhammaantood ku baaqay in Shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana laga qayb-geliyo saamileyda siyaasadda dalka.
Wararku waxay sheegayaan, in tan iyo xalay uu soo baxay muran xooggan oo u dhexeeya dhinacyada, kaas oo ku aaddan Goobta shirka lagu qabanayo oo aad loogu kala aragti duwanyahay.
PUNTLAND POST