Miyay Puntland Martigelin Doontaa Shirka Doorashada Soomaaliya?

W. Q. Siyaad Cali Jaamac

Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku soo beegmay xilli Puntland billowday inay ku tilmaanto Farmaajo “Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday”.

Sidee Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni isu qabadsiinayaa ujeeddooyinka shirka iyo hadalladii Wasiirkiisa Warfaafintu, Cabdullaahi Cali Xiri, ka sheegay Dhuusamareeb Axaddii?

Madaxweyne Deni (bidix) iyo Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Maxamad.

Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka waxaa ka soo baxday farriinta in Deni uu jebiyay qodobbo heshiis uu isagu soo qortay Barlamaankuna ansixiyay.

Ma cadda jawaabta Deni ka bixin doono shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay. Cabdiraxman Cabdishakuur, oo u tartamaya xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuu ku boorriyay Deni inuusan aqbalin martigelinta shirka.

Dowladda Norway ayaa taageertay shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay. Ujeeddada shirku waa in laga gudbo ismari-waagii keenay in heshiis laga gaari waayo doorashada dalka inay ka dhacdo la filayo sanadkan.

Safiirka Ingiriiska Ben Fender ayaa taageeray war saxaafadeed ka soo baxay UNSOM, kuna baaqay hirgelinta heshiiskii bishii Sebteembar.

Puntland waxay ku taageertay Jubaland doodda in ciidanka Xoogga laga soo saaro Gedo inkastoo dalabkani jebinayo heshiiskii Sebteembar.

Sanadkii hore James Swan, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya, ayaa sheegay in hey’adaha fulinta iyo sharci-dejintu sii wadayaan shaqada haddii heshiis laga gaari waayo doorashada ka hor siddeedda Febraayo 2021.

Mowqifkan wuxuu dhabarjab ku noqday mucaaradka dowladda Soomaaliya oo dhammaadka muddo xileedka dowladda u arkayay fursad lagu wiiqi karo dowladda federaalka.

Siyaad Cali Jaamac, Vienna