Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa soo dhoweeyay baaqa la xiriira in Shir ku saabsan Arrimaha Doorashada la isu’gu yimaado 15-ka bishan February 2021.
Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa sidoo kale taageeray mowqifka Puntland ee ku aaddan in Shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ka qayb-galaan Saamileyda Siyaasadda iyo Beesha Caalamka.
Mr Xaashi wuxu sidoo kale ku baaqay in la wada ilaashado Nabadda iyo Xasiloonida dalka, lagana fogaado wax kasta oo qalalaase ku keeni kara Amniga dalka.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.