Mareykanka oo baaq u diray madaxda Soomaaliya

Safiirka Mareykanka u joogo Soomaaliya, Donald Yamamoto

Mareykanka ayaa madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabtaan jahwareerka siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa madaxeeyne Farmaajo loogu baaqay inuu heshiis la gaaro madaxda Dowlad Goboleedyada, si deg deg loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Mareykanku wuxuu sheegay in madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay meel iska dhigaan raadinta danaha siyaasadeed gaarka ah, taas badalkeedana ay ka shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Mareykanku wuxuu xusay in khilaafka siyaasadeed ee sanadkii tegay uu dhaliyey horumar la’aan niyad jab leh oo ku aadan dagaalka Al-shabaab, horumarinta amniga iyo wax ka qabashada masiibooyin kale oo halisa.

PUNTLAND POST