Golaha Midowga Murashixiinta Muqdisho, oo bayaan soo saaray ayaa shaaciyay, in maanta laga bilaabo aysan madaxweyne u aqoonsanayn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama uu dhammaaday mudda-xileedkiisi Sharciga ahaa.
Golaha Murashixiintu, wuxu ku baaqay in la dhiso Gole Qaran oo ku meel-gaar ah, kaas oo ay xubno ka yihiin Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka, Wakiilo ka socda Golaha Murashixiinta iyo Bulshada Rayidka ah, si loo dhammaystiro hirgelinta Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee 17-kii September.
Sidoo kale, Goluhu wuxu ku baaqay in Guddoomiyaha loo dooran doono Golaha Ku meel-gaarka ah ee Qaranka oo xilkiisu meerto yahay, uu Shir isu’gu yeero Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka, Wakiilo ka socda Golaha Murashixiinta iyo Bulshada Rayidka ah, islamarkaana deg deg loo hirgeliyo Jadwalka Doorashada dalka.
Hoos ka akhriso bayaanka


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.