Ciidamada Puntland oo ku raad-jooga kooxo doonaya in ay weeraro ka fuliyan Boosaaso

Laamaha Amniga dowladda Puntland, ayaa magaalada Boosaaso ka raadinaya xubno ka tirsan kooxaha Argagixisada ah, kuwaas oo doonaya in ay weeraro ka fuliyaan gudaha magaalada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Ciidanka PSF, ayaa lagu sheegay in Ciidanku ay xaafadaha Boosaaso ka sameeyeen hawlgal lagu raadinayo shakhsiyaad ka tirsan Argagixisada, oo doonaya in ay weeraro ka gaystaan Boosaaso.

Ciidamada Amniga Puntland (PSF) ayaa maanta February 07, 2021 sameeyey hawlgal lagu raadinayey shakhsiyaad ka tirsan kooxaha argagixisada ah oo doonaya in ay falal argagixisanimo ka geystaan magaalada Bosaso” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Qoraalka PSF laguma sheegin in hawlgalkaas weli cid lagu qabtay iyo in kale, balse waxay sheegeen in ay sii wadi-doonaan.

PUNTLAND POST