
Taliyihii ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiikhdoon (Qooje) iyo askar ilaa u ahayd ayaa qarax ku geeriyooday.
Qaraxa ayaa lagu eegtay gaari ciidan oo ay leedahay hay’ada Nabadsugida Soomaaliya oo marayay inta u dhaxaysa Ceeldheere iyo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Qaraxa waxaa ku dhintay taliyaha iyo ku dhawaad toban askari oo ilaaladiisa u badnaa, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo dhaawacooda la geeyay Dhuusamareeb.
Al-shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraro ka geysanasay magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanno u dhow.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.