Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay, in laga bilaabo Isniinta berri ah aysan u aqoonsanayn madaxweyne Farmaajo, maadaama ay dhammaatay mudadii xil-hayntiisa ee sharciga ahayd.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda Puntland ay madaxweyne Farmaajo u aqoonsan doonto mas’uul hore, islamarkaana ugu yeeri doonto “madaxweynihii hore ee dalka“.
Wasiir Tima-cadde ayaa madaxweynaha dalka ku eedeeyay fashilka ku yimid Shirkii Dhuusamareeb, kaas oo natiijo la’aan ku dhammaaday, kadib markii dhinacyadu is-faham gaari waayeen.
Sidoo kale, wuxu madaxda dowlad goboleedyada dalka raalli-gelin ka siiyay hadalkii madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Siciid Deni oo keliya uu qortay Heshiiskii Arrimaha doorashada ee 17-kii September.
PUNTLAND POST