Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo shir ka yeeshay Arrimaha Doorashooyinka

Madaxda dowlad goboleedyada oo dhamaantood ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa xalay yeesheen kulan ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka Arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynayaasha, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland, Puntland, iyo Koonfur Galbeed ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay uga hadleen sida ay noqon karto xaalada dalka wixii ka dambeeya 8-da Febaraayo, maadaama uu dhamaaday mudada xilheynta Madaxweyne Farmaajo.

Waxay madaxdu isla soo qaadeen xaaladda siyaasadeed ee guud ahaan dalka Soomaaliya iyaga oo ujeedka kulankooda uu yahay sidii loo keeni lahaa xal kale oo ku aadan arrimaha doorashooyinka, kadib markii uu fashilmay shirkii Dhuusamareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha shanta Maamul Goboleed ay War murtiyeed ka soo saari doona xaalada siyaasadeed ee dalka, kadib wada-hadalkii xalay.

PUNTLAND POST