Faroole iyo Saxaafadda Puntland

Garoowe (Faallo) — Xaaladda dhaqaale ee Puntland waxay in dhoweydba ahayd qodob warbaahibtu xoogga saartay. Bannaanbaxyo, amar dowladeed ku saabsan adeegsiga shilinka Soomaaliga oo hirgali waayay iyo sicir-barar waa waxyaabo ugu hadal-haynta badnaa Puntland dhowrkii bilood ugu dambeeyay.    

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud (Faroole), madaxweynihii hore ee Puntland,  wuxuu wariye ka tirsan warbaahinta Puntland ku eedeeyay inuu xog aan sugnayn ka sheegay Suuqa Enji.

Wariyihu, sida Faroole sheegay, wuxuu baahiyay xogta in suuqu weli xiran yahay qaadasho la’aanta shilinka Soomaaliga awgiis.  Faroole wuxuu ku hanjabay in wariyayaashu ay mutaysan doonaan maxkamad haddii ay xog aan sugnayn ka sheegaan Puntland.

Senator Faroole wuu fahamsan yahay saameynta warbaahinta

Waa xil saaran wariyaha inuu xog dhab ah dadka u soo gudbiyo.  Shirka jaraa’id uu Faroole qabtay dhowaan wuxuu ku xusay in ganacsiyada qaarkood weli diiddan yihiin adeegsiga shilinka Soomaaliga.  Taasi waxay keentay in dukaammada qaarkood goosteen inay si ku meelgaar ah u xiraan rugaha ganacsiga.  Ciidammo ganacsatada ku qasba qaadashada shilinka Soomaaliga ayaa la geeyey magaalooyin kala duwan. 

Way fiicnaan lahayd in Faroole si aan hanjabaad lahayn ugu baraarujiyo wariyayaasha waxtarka xog sugan. Faroole ma aha siyaasi oo keliya, wuxuu ka mid yahay saamileyda saxaafadda Puntland.  Waa tilmaan uu kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale. Bahda warbaahinta Puntland waxay filaysay in Faroole dhinac istaagi doono wariyayaasha oo u qareemi doono kobcinta xirfaddooda.

Kala soocid la’aanta xog baraha bulshada lagu wadaagay iyo xog website lagu soo qoray waxay keeni kartaa go’aan madaxdu ku ciqaabaan wariye.                         

2018-dii Garowe Online  wuxuu soo saaray war ku saabsan “canshuur” ISIS ka qaaddo ganacsatada Boosaaso. War sugan ma ahayn. Maamulkii Gaas uma hanjabin Garowe Online.  Hanjabaaddu ma noqon karto waddada loo maro sixidda gefefka wariyayaasha, haddii uu gef jiro.                             

© Puntland Post, 2021