Xukuumadda Sudan ayaa sheegtay in go’aanka ay Itoobiya keligeed ku gaartay in ay buuxiso Biya-xireenka webiga Niil uu halis ku yahay Xaaladda Gobolka.
Wasiirka biyaha iyo waraabka, Yaasir Cabbaas, oo waraysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ugu baaqay Maraykanka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in ay dhexdhexaadin ka galaan khilaafka u dhexeeya Itoobiya, Masar iyo Sudan ee ay isku hayaan arinta biyo-xireenka.
Itoobiya ayaa bilowday sannadkii hore buuxinta biyo-xireenka, inkasta oo ay Masar iyo Sudan ka dalbadeen in aanay arintaa ku dhaqaaqin ilaa inta saddexda dhinac ay marka hore heshiis ka gaarayaan.
Sudan iyo Masar ayaa wadahadallo aan miro dhalin oo socday toban sano la waday Itoobiya tan iyo markii ay bilowday dhismaha biyo-xireenka sannadkii 2011.
PUNTLAND POST