Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xannuunka Dengue ee caanka ku ah qandhada uu ka dillaacay qayba ka mid ah gobolka Soomaalida ee Itoobiya.
In ka badan 207 xaaladood oo looga shakiyay inuu xannuunkaasi yahay ayaa ilaa iyo hadda laga soo weriyay gobollada Doolo iyo Liibaan.
WHO waxay sheegtay in la samaynayo baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinaya jiritaanka cudurka, waxyan intaasi ku dartay in baaritaannadaasi lagu sameynaya shaybaar ku yaalla Hawassa.
Hay’adda ayaa hoosta ka xariiqday baahida deg deg ah ee loo qaba in la buufiyo kaneecada oo gudbisa xannuunkaasi.
PUNTLAND POST