
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hadda sugan xarunta Villa Hargeysa ee magalada Muqdisho, waxaana goordhow hortegaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa kulan ka saaray qaar kamid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlmaaanka Soomaaliya oo soo xaadiray kulanka, wuxuuna sheegay in aysan qeyb ka noqonayn khilaafka.
Sidoo kale Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in aysan kulankan u fadhiyin wax la yiraahdo “muddo korosi”.
Madaxweyne Farmaajo oo saacado ka hor ka yimd Dhuusamareeb ayaa Golaha Shacabka uga warbixin doona shirkii natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee Dhuusamareeb iyo xaaladda guud ee dalka.
Wixii ku soo kordha dib kala soco.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.