Dowlada Indonesia oo mamnuucday in Gabdhaha Ardayda ah lagu khasbo Xijaabka

Kadib markii uu bulshada aad ugu dhex faafay muuqaal muujinaya ardayad Masiixiyad ah oo lagu dirqiyayo in ay fasalka ku dhax xirato xijaab, ayaa Indonesia dugsiyada dawladda ka mamnuucday in labiska diimeed lagu khasbo ardayda.

Gabadhaas 16 jir ka ah ayaa dhigata dugsi uu ka jiro sharci [hablaha] ardayda ah ku waajibinaya in ay xirtaan khimaarka.

Xukuumadda ayaa haatan u qabatay iskuulada muddo 30 casho ah in ay xeerarka noocaas ah ku laalaan.

Indonesia oo ah dal aqlabiyadiisu Muslimiin tahay ayaa si rasmi ah u aqoonsan diimaha kale.

Amarkan xukuumadda ayaa ku soo baxay wareegto Arabacadii la soo saaray, waxaana lagu sheegay in dugsiyada u hogaansami waayaa ciqaab mutaysan doonaan.

PUNTLAND POST