
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoohe oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay natiijo la’aanta uu ku dhammaaday shirkii madaxda Soomaaliya, wuxuuna mas’uuliyadda burburka ku yimid wadahadaladaas uu dusha ka saaray Madaxweyne Farmaajo.
Axmed Madoobe oo ka hadlay sababihii dhaliyay in natiijo la’aan ku dhamaado shirkii Dhuusamareeb ayaa yiri “Madaxweynuhu wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo aniga un baa ka talinaya, haddaba Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday sidee buu Soomaaliya u xukumi karaa hadduu hal degmo sheegtay oo yiri annaa leh, annaa ka soo jeeda oo reerkeyga dega, anaa maamulaya oo doorashadeeda maamulaya, suurta gal miyay noqoneysaa Madaxweynuhu in Soomaaliyada kale oo dhan inuu isaga mas’uul ka noqdo oo yiraahdo annaa Madaxweyne ka ah, deegaan heerkaas la eg uu ku kooban yahay wax dhici kara ma’aha, waa masiib darro”
“Farmaajo afar sano wadankaan aan arkay isagu ma maamuleen ee yaa maamulayay, waxaan diyaar u ahay wax kasta oo xal lagu heli karo, waxaan ka xumahay dagaalka ka socdo gobolka Gedo.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu ku laabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland uuna ka hadli doono siyaasadda dalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.