Dagaal la isu adeegsaday hubka fudud iyo midka culus ayaa caawa muddo nus saac ah ka socday duleedka Koonfureed ee magaalada Dhuusamareeb.
Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa ilaa iyo hadda la ogayn khasaaraha ka dhashay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerareen xerada ciidamada Gorgor oo ku dhow magaalada, halka warar kalena tilmaamayaan in ciidamada dowladdu ka hortageen Al-shabaab weerar ku soo ahayd Dhuusamareeb
Waa markii labaad oo ay Dhuusamareeb weeraraan Al-shabaab, iyadoo ay ku shirsan yihiin madaxda Soomaaliya.
PUNTLAND POST