
Iyadoo shirka Dhuusameeb ee madaxda Soomaaliya weli aan heshiis ka soo bixin ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya shaaciyay kulankii uu codsaday Madaxweyne Farmaajo.
Bayaan kooban oo soo baxay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu yiri “Berri oo Sabti ah oo ay taariikhu tahay 6 February, waxaa jira kulan gaar ah oo Madaxweynaha JFS soo codsaday”.
“Agendaha kunku waa warbixin ku saabsan xaalada guud ee dalka iyo doorashooyinka qaranka” ayaa la raaciyay bayaanka.
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maalintii saddexaad ka socda shirka madaxda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas la isku mari la’yahay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.