Aqalka Sare: Ma jiro kulan wadajir ah oo Madaxweyne Farmaajo codsaday


Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wargeliayay in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweyne Farmaajo ka codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Senatarada Aqalka Sare in uusan jirin kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin berri oo taariikhdu tahay 6 Febraayo 2021.

Qoraalka ka soo baxay Aqalka Sare ayaa lagu yiri “dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Febraayo 2021”.

Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta sheegay in ay berri leeyihiin kulan gaar ah oo madaxweyne Farmaajo soo codsaday.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maalintii saddexaad ka socda shirka madaxda Federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas weli la isku mari la’yahay.

PUNTLAND POST