
Magaalada Boosaaso waxaa arbacadii laga daah-furay Diyaarada Ethiopian Airlines qeybta xamuulka (Cargo) oo ka shixnado ganacsi oo Jaad iyo Kalluun ah u kala ka qaadi doonta Itoobiya Puntland.
Wasiirka Duulista Hawada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qunsulka Itoobiya u fadhiya Puntland Degnachew Yitbarek, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland, ganacsato ka soo jeeda dalka Itoobiya, Maamulka Airport Boosaaso, qaar kamid ah ganacsatada Gobolka Bari, iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda.
Wasiirka Duulista Hawada Puntland ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay duullimaadka kowaad ee Diyaarada Ethiopian Airlines qeybta xamuulka ka bilowday Boosaaso, sidoo kale wuxuu xusay in dhawaan mid kamid ah ganacsatada waaweyn ee Itoobiya uu Boosaaso ka qaadan doono kalluunka.
Qunsulka Itoobiya u jooga Puntland iyo ganacsatada dalka Itoobiya ayaa dhankooda ballanqaaday in ay dowladda Puntland iyo ganacsatada Gobolka Bari kala shaqeyn doonaan sidii loo xoojin lahaa xirriirka labada dhinac ee iskaashiga dhaqaalaha.
Guddoomiye Gobolka Bari Cabdisamad Abwaan ayaa ku soo dhaweeyay Gobolka Bari Qunsulka Itoobiyaa ee u fadhiya Puntland iyo ganacsatada dalka Itoobiya wuxuuna ku boogadiyay in la xoojiyo xirriika labada dhinac ee ka shaqeeynta dhaqaalaha.
Waa markii ugu horreysay oo Puntland ay badeecad kale ku baddelato Jaadka oo markii hore looga baddelan jiray lacag kaasha.












PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.