
Waxaa maanta oo Arbaco ah maagaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ka furmay shirka madaxda Soomaaliya.
Shirka waxaa guddoominaya Madaxweyne Farmaajo waxaana kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlawe, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdishu Cumar Maxamuud Filish.
Shirkan ayaa looga arrinsanayaa xalinta khilaafka harreeyay hannaanka doorashada dalka ee lagu heshiiyay 17kii September 2020.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.