
Baarlamaanka Puntland ayaa maanta lagu hor dhaariyay 8 xildhibaan oo cusub oo lagu baddelay xubnihii xasaanadda laga qaaday.
8 xubnood ee cusub oo mid kamid ah haween tahay ayaa magacyadoodu kala yihiin.
1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)
2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
3. Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase
4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac
5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax (Abuu baraa)
6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud (Garagoos)
7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse
8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood.

Dhinaca kale, Baarlamaanka Puntland ayaa maanta gudo galay inay qodob-qodob uga doodaan Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha Puntland oo ka kooban 36 qodob.
Baarlamaanka Puntland ayaa maanta yeeshay fadhiga 25-aad ee Kalfadhiga 47-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan ku xigeenadiisa.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.