Laamaha Amniga Puntland ayaa saaka oo Arbaco ah lagu amray in ay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo diida isticmaalka iyo socod-siinta Shilin Soomaaliga.
Magaalooyinka Puntland qaarkood, ayaa aroornimadii hore ee saaka lagu daadiyay ciidamo kala duwan oo dharcad u badan, kuwaas oo lagu amray in ay xabsiga dhigaan cid kasta oo diida lacagta Shilin Soomaaliga.
Sidoo kale, Ciidamada ayaa wata Lacago shilin Soomaali ah, waxaana la sheegay in ujeedkoodu yahay sidii lagu ogaan lahaa dadka diiddan Shilin-ka, islamarkaana xabsiga loogu dhaadhicin lahaa dadkaas.
Tallabadan waxay ku soo aaday, xilli weli magaalooyinka Puntland laga diidanyahay Lacagta Shilinka Soomaaliga, inkastoo qayb-ahaan ay dhaqan-galeen qaar kamid ah go’aannadii laga soo saaray xasilinta Suuqa.
PUNTLAND POST