Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde), oo wareysi siiyay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo dilkii Gen. Maxamed Nuur Galaal, oo lagu dilay weerarkii Hotel Afrik.
Gen. Indha-cadde ayaa sheegay in uu tuhun weyn ka qabo, in Al-shabaab aysan dilin marxuum Galaal, balse ay si bareer ah u dileen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee hawlgalka ka waday gudaha Hotelka.
Wuxuu tilmaamay in qaabka loo dilay marxuum Galaal, uu tuhun iyo shaki badan gelinayo cidda dilkiisa fulisay, islamarkaana uu ku baaqayo in baaritaan dhammaystiran lagu sameeyo xaqiiqada ku saabsan dilkiisa.
Sidoo kale, wuxuu codsaday in baaritaanka ay si wadajir ah u sameeyaan qoyskiisa, dad lagu kalsoonyahay iyo dowladda Federaalka, si baaritaankaas u noqdo mid dhammaystiran.
Halkaan ka daawo wareysiga
PUNTLAND POST