Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uusan aqoonsanayn Aqalka Sare iyo nidaamka Federaalka.
Guddoomiye Xabdi Xaashi iyo xildhibaano kale oo ka soo jeeda gobolllada Waqooyi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo aqoonsanayn nidaamka la qaatay ee Federaalka iyo in uusan fahamsanayn in Somaliland maqan tahay, taasina ay tahay meesha ay ka jirto dhibaatada siyaasadeed ee Soomaaliya.
“Waxaan ka xumahay mudada uu jiray Aqalka Sare in madaxweyna uusan aqoonsanin, tixgelinin waajibaadka dastuurka siiyay Aqalka Sare, khilaaf kasta iyo wadahadal kasta oo dhexmara Dowladda Ehexe iyo Dowlad Goboleedyada, Aqalka Sare ayay tahay in uu dhexdhexaadiyo” ayuu yiri Cabdi Xaashi.
Hadalka Cabdi Xaashi ayaa kusoo aadaya xilli maanta magaalada Dhuusamareeb uu shir uga furmay madaxda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir, shirkaas oo looga hadlayo muranka harreeyay hanaanka doorashada dalka.
PUNTLAND POST