Madaxweyne Deni oo sababo Amni uga degay magaalada Cadaado

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Galabta ka degay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, kadib markii ay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Deni, ayaa taxaddar dhinaca Amniga ah uga baaqsaday Dhuusamareeb, kadib markii xalay hoobiyaal lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb iyo xaafado ka tirsan magaalada.

Mudane Deni, oo ka qayb-geli doona Shirka Arrimaha Doorashada ee Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed uga furmi doona Dhuusamareeb, ayaa halkaasi ku tegi doona safar dhinaca Dhulka ah, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

PUNTLAND POST