Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa caawa lagu weeraray hoobiyeyaal.
Ilaa iyo 10 hoobiye ayaa la sheegay in ay ku dheceen qaar kamid ah xaafadaha Dhuusamareeb, kuwaas oo muddo 30 daqiiqo ah dhawaqooda la maqlayay.
Inta la ogyahay Labo qof oo rayid ah ayaa la sheegay in dhaawac ka soo gaaray weerarka caawa ee Dhuusamareeb.
Magaalada Dhuusamareeb ee caawa la weeraray ayaa qorshuhu yahay in uu berri ka furmo shir la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka doorashada.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa iyaguna berri ku wajahan Dhuusamareeb.
PUNTLAND POST