Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug halkaa soo uu ka furmayo shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Galmudug ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa.
Socdaalkan galabta Ra’iisul Wasaaraha kusoo gaaray Dhusamareeb ayaa ku saabsan inuu ka qeyb galo shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo la filayo in uu berri si rasmi ah u furmo.
PUNTLAND POST