
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan (Lafta gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Dhuusamreeb ee xarunta Galmudug.
Madaxweyne Laftagareen waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda magaalada Dhuusamareeb soo gaari doona madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale ee dowlad goboleeeyada.
Magaalada Dhuusamareeb waxaa saacadaha soo socda ka furmaya shir looga arrinsanayo ismariwaaga ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.