Gen. Galaal oo lagu dilay weerarka Hotelka Afrik

General Maxamed Nuur Galaal ayaa kamid ah dadka lagu dilay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Afrik ee magaaladda Muqdisho, kaas oo ilaa xiligan oo saqdii dhexe ah socda.

Dhimashada General Galaal waxaa xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir Cali Yare Cali.

General Galaal ayaa kamid ahaa saraakiishii sare ee Dawladdii Kacaanka Maxamed Siyaad Barre.

Khasaaraha dhimashada weerarka Hotelka Afrik ayaa warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in ay tahay ilaa 10 qof, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay xarumaha caafimaadka Muqdisho.

Al-shabaab ayaa marsii horeysay sheegatay mas’uuliyadda weerar Hotel Afrik oo isgu jiray ismiidaamin iyo dagaal toos ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin weerarkan oo saacado badan socda.

PUNTLAND POST