Jen. Galaal waxaa lagu dilay weerarkii shalay ee Hotel Afrik
Al-shabaab ayaa sheegay in bartilmaameedka koowaad ee wararkii Hotel Afrik ahaa Jeneraal Maxamad Nuur Galaal oo ay ku raadjoogeen 13 sano.
Al-shabaab ayaa qoraal ay ku daabaceen internet-ka ku sheegay in Jeneraal Galaal uu ku lug lahaa dilka rag muhiim ah oo ka tirsanaa Al-shabaab, uuna kamid yahay asaasahoodii Aadan Xaashi Cayrow oo lagu dilay duqayn Maraykanku ka geystay magaalada Dhuusamareeb bishii May 2008.
Sidoo kale waxay sheegeen in uu qeyb ka ahaa dagaalo ay Ahlu Sunna la galeen iyo dhismihii dowlad goboleedka Galmudug.
Waxay tilmaameen in Jeneral Galaal ahaa nin aqoontiisa iyo khibradiisa dhanka sirdoonka ciidamada u adeegsan jiray in uu kula dagaalamo Al-shabaab.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.