Turkey ayaa Mareykanka ugu baaqday inuu dib ugu soo laabto heshiiska Nukliyeerka Iran, islamarkaana uu cunaqabateenada ka qaado Jamhuuriyada Islaamiga ah, taasi oo dhabbaha u xaareysa ganacsi horumarsan oo dhex-mara labada dal ee deriska ah.
Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa muujiyey inuu hab cusub ku wajihi doona siyaasadda Bariga Dhexe, oo ay ku jirto inuu si aayar ah ugu laabto inuu Iran kula macaamilo diblomaasiyad.
Hase yeeshee xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay dib ugu biiri doonto heshiiska, oo uu Donald Trump ka baxay 2018, marka ay Tehran dib u billowday inay si buuxda ugu hoggaansanto xeerarkiisa.
Khamiistii, Zarif ayaa sheegay inay tahay in Washington ay qaaddo tallaabada koowaad, sababtoo ah ayada ayaa ka baxday heshiiska oo ay 2015 wada saxiixdeen Iran, Midowga Yurub, Mareykanka, Ruushka iyo China.
PUNTLAND POST