Duqaymo xoogan oo ka dhacay degaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya

Duqaymo xooggan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Bakool sida ay sheegtay Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayay ku sheegtay in duqaymahaas ay fuliyeen diyaarado dagaal islamarkaana ay ka dhaceen degaannada Abag-beeday, Gubid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Duqaymaha waxa lala beegsaday Al-shabaab waxaana ka soo gaaray khasaare kala duwan inkastoo aysan faahfaahin ka bixin dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Duqeynta ayaana la xaqiijiyey inay ku naf waayeen xubno ka tirsan Alshabaab waxaana duqayntan ay qeyb ka tahay dadaalo loogu jiro sidii Alshabaab looga sifeyn lahaa Guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

PUNTLAND POST