Qaramada Midoobay ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Madasha Wada-xaajoodka dhinacyada Siyaasadda Libya dhowaan lagu qaban doono waddanka Switzerland.
Bayaanka oo uu soo saaray Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephan Dujarric, ayaa lagu shaaciyay in Shirkaas la qaban doono horraanta bisha soo socota ee February 2021.
Sidokale Bayaanka waxaa lagu muujiyey in Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Libya, Stephanie Williams, ay maamuli doonto madasha, oo ka qabsoomi doonto Switzerland inta u dhexeysa 1-da ilaa 5-ta Febraayo.
Dhinaca kale, Afhayeenka ciidamada Libya, Ahmed Al-Mismari, ayaa sheegay in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo qorsheeysan oo ay damacsanyahiin maleeshiyaadka ka soo horjeeda Dawladda.
Al-Mismari ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka mucaaradka ah bar tilmaameed koodka uu yahay xarunta howlgalka Qaramada Midoobay ee Tripoli.
PUNTLAND POST