Mudanayaasha Baarlamanka Puntland, ayaa fasax kooban kadib maanta oo Sabtiya dib u bilaabay Kalfadhigooda 47-aad oo soo bilowday 25-kii October 2020.
Kalfadhiga 47-aad Fadhigiisa 24-aad, oo maanta qabsoomay waxa xildhibaannada loogu qaybiyay Hindise-sharciyeedka diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Puntland, oo uu Golaha u gudbiyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Hindise-sharciyeedkan, oo muhiim u ah Hannaanka diiwaan-gelinta codbixiyaasha Puntland, waxa soo diyaariyay Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee loo soo gaabiyo TPEC.
PUNTLAND POST