Badhan: Gudoomiye Cali Soomaali oo ka badbaaday weerar lagu qaaday

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen Soomaali, ayaa ka badbaaday weerar ay koox hubaysan la beegsadeen Gurigiisa magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, sida uu isagu xaqiijiyay.

Dableyda hubaysan, ayaa Rasaas xooggan huwiyay Guriga Guddoomiye Cali Soomaali, balse wax khasaare ah kama dhalan weerarka oo daqiiqado kooban socday.

Guddoomiyuhu wuxu sheegay in kooxdii weerarka fulisay ay Goobta isaga baxsadeen, islamarkaana lagu raad-joogo, si sharciga loo horgeeyo.

Laamaha Amniga Puntland ee degmada Badhan, ayaa weerarkaas kadib bilaabay hawlgal baaritaan ah, oo ay ka samaynayaan xaafadaha kala duwan ee magaalada, kaas oo aan weli la sheegin cid lagu qabtay.

PUNTLAND POST