Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirkaas ayaa lagu qaban doonaa magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug, wuxuuna socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Shirka Dhuusamreeb ayaa saldhig u ah sida la tilmaamay heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa shir deg deg ah isugu yeeray xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, kaas oo dhacaya 5-ta bisha Febraayo, 2021.
Shirkaas waxaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu warbixin ka siin doono Baarlamaanka arrimaha doorashooyinka dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tallaabooyinkan qaaday, kadib markii uu maanta kulan la qaatay safiiro ka socday Beesha Caalamka.
PUNTLAND POST