Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kalmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa shalay gelinkii dambe oo Khamiis ahayd kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen.

Labada mas’uul waxa la sheegay in ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa heerka iskuduwid oo dhinac kastaba leh iyo hore u dhaqaajintiisa si salballaaran iyadoo la taabagelinayo isfahannada iyo habmaamuusyadii hore loogu heshiiyey.

Intii kulanku socday ayaa waxaa labada wasiir ay isla fallanqeeyeen arrimo dan guud oo ay ka mid yihiin arrimaha gobolka ka taaggan iyo dunida inteeda kale.

PUNTLAND POST