Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay lumisay kalsoonidii ay ku qabteen Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya , kuwaasoo qeyb ka ah ciidamo Afrikaan ah oo dagaal kula jirta Ururka Al-Shabab.
Dowladda Soomaaliya waxa ay tilmaamtay in aysan aqbali doonin lasii shaqeynta Ciidanka Kenya oo ay sheegtay in ay si cad uga soo horjeedaan nabadda Soomaaliya ayna hareermareen hanaankii raadinta xasililoonida.
Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada looga soo horjeedo Ciidanka Kenya oo ay sheegtay in ay si gaar ah u taageeraan maamul goboleedka Jubbaland.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale ugu baaqday Urur Goboleedka IGAD in la baabi’yo guddiga xaqiiqo raadinta oo hore loogu xilsaaray in ay baaritaan ku sameeyaan faragalin la sheegay in Kenya ay ku hayso Soomaaliya.



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.