Midowga Murashixiinta oo soo dhoweeyay Go’aankii Puntland iyo Jubaland

Golaha Midowga Murashaxiinta Muqdisho ayaa soo dhoweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Golaha ayaa sidoo kale soo dhoweeyay in ay shir degdeg ah ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020.

Qoraal ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta Muqdisho waxa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo looga digay in uu qabto doorasho hal dhinac ah oo keligiis wato taas oo halis ku ah Xasiloonida iyo Wadajirka dalka.

PUNTLAND POST