Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay qaraar caqabad ku noqon kara doorashada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay qaraar uu gobolka Banaadir ku yeelanayo xubno Aqalka Sare.

War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu xeeriyay inuu gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi.

Madaxweyne Famaajo ayaa saxiixa qaraarkan u cuskaday go’aankii Golaha Shacabka ee 27-kii bishii Juun 2020 ee ku aaddanaa in 13 kursi oo Aqalka Sare ah la siiyo gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Xukuumadda in ay habraac gaar ah u sameeyaan matalaadda gobolka Banaadir oo ay ka muuqato isku dheelitirnaan bulshada Soomaaliyeed.

Go’aanka Madaxweyne Farmaajo ayaa keeni kara khilaaf hor leh oo ka dhasha doorashada, maadaama ay 13-ka kursi ku jirin heshiiskii doorashada ee 17 September 2020.

PUNTLAND POST