James swan oo soo dhoweeyay Guddiyada ay shaaciyeen Puntland iyo Jubaland

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo warbaahinta kula hadlay Jowhar, kadib kulan dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, ayaa soo dhoweeyay Guddiyada ay shaaciyeen Puntland iyo Jubaland.

Mr Swan, wuxu sidoo kale soo dhoweeyay baaqa ka soo baxay Puntland iyo Jubaland, oo ku saabsan in la qabto shir deg deg ah, oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga heshiiyo Arrimaha Doorashada.

Hadalka Ergayga Qaramada Midoobay, wuxu ku soo beegmay xilli xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka hortimid Guddiyada Arrimaha Doorashada ee ay shaaciyeen Puntland iyo Jubaland.

James Swan, wuxu sidoo kale maanta kulan ku saabsan xal u helidda Arrimaha Doorashada magaalada Jowhar kula qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

PUNTLAND POST