Faafin: Jubaland oo taageertay warbixintii Guddiga Xaqiiqo Raadinta IGAD

Shirka Golaha Wasiirada Dowlada Jubaland 28 Janaayo 2021 waxaa

looga hadlay Arrimaha Amniga, Doorashooyinka iyo warbixintii

Guddiga xaqiiqa raadinta IGAD.

Dood dheer iyo falaqeyn kadib waxay goluhu isku raaceen in

arrimaha soo socda lala wadaago ummada Soomaaliyeed iyo Beesha

caalamka.

1. Dagaalkii ka dhacey degmada Baladxaawo oo sababey

khasaare naf iyo maalba leh waxay goluhu u tacsiyeynayaan

dadkii ku dhintey dagaalkaas, waxayna ilaahey uga baryayaan

inuu ilaahey caafiyo intii ku dhaawacantey.

2. Waxay goluhu cambaareeyeen kuwii sababey dhibaatadaas

ayagoo huwan magaca qaranka Soomaaliyeed, waxaa wax aad

looga xumaado ah sida ay ula dhaqmeen kuwa sheeganayey

magaca ciidanka qaranka Soomaaliyeed askartii ka tirsaneyd

ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ay u gaysteen jirdilka

foosha xun, dilka iyo inay ku qasbaan waxaan jirin inay

sheegaan iyagoo ku marin habaabinaya ummada soomaaliyeed

taasoo ugub ku ah taariikhda ummada soomaaliyeed. Dowlada

Jubbaland waxay sidookale cambaareynaysaa in masuuliyiin

iyo madax sheeganaya magaca qaranka ay ku faanaan dilka iyo

daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed kuna tilmaamaan

guulo u soo hoydey.

3. Waxay goluhu aad u soo dhaweynayaan go’aankii geesinimada

lahaa ee Madaxweynaha Jubbaland uu ku amrey in Ciidamadii

Jubbaland ee Baladxaawo qabsadey ay dib ugu noqdaan

fariisimahoodii hore si loo badbaadiyo shacabka iyo hantida

bulshada reer Baladxaawo, Maadaama uu dagaalku isku

badaley mid lagu dhex dagaalamayo magaalada iyo maatida

dhexdeeda.

4. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa warbixintii Gudiga xaqiiqo

raadinta ee IGAD taas oo Goluhu u arkey warbixin xaqiiqa ah

dhanna aan u xaglineynin, Waxaa Dowlad goboleedka

Jubbaland ku noqotey arrin la yaab leh dacwadii ay DFS ka

gudbisey IGAD inay ku jirto aflagaado qayaxan oo loo gaystey

Madaxweynaha Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti

mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo qodobo badan oo lagaga

been abuurtay ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Xaalada

gobolka Gedo, Ganacsiga iyo kuwa kaloo badan taas oo

cadeynaysa masuuliyad xumada hogaanka dalka.

5. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa magacaabida Gudiyada

Maamulka Doorashada Qaranka ee Dowladaha Jubbaland iyo

Puntland ee heer Dowlad goboleed taas oo uu goluhu u arkey

tallaabo sax ah oo horey loo qaadey. Wuxuu goluhu hoosta ka

xariiqey inay lagama maarmaan tahay qabsoomida shirka

Golaha wadatashiga qaranka ee lagu baaqey si loo xalliyo

caqabadaha hor taagan Doorashooyinka.

Ugu dambeyn Goluhu wuxuu ka digayaa cid kasta oo sameysa

doorasho aan la isku waafaqsaneyn inay masuul ka noqoneyso

dhibaatada ka timaada, Golaha wasiirada Jubbaland waxay ugu

baaqaan Madaxweynaha DFS inuu qaato doorkiisa

hogaamineed iyo masuuliyada ka saaran badbaadinta Dalka.

PUNTLAND POST