Dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay Xiisadda Kenya iyo Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa markii u horraysay ka hadashay warbixintii guddiga xaqiiqo raadinta IGAD u saartay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in warbixinta guddigaas ay ahayd mid dhex-dhexaad ah waxaana lagu beeniyay eedayamah Soomaaliya u jeedisay dalka Jabuuti oo ku saabsan in ay Kenya u xaglisay.

Dowladda Jabuuti waxay sheegtay in ay xiriir wanaagsan la leedahay labada waddan ee Kenya iyo Soomaaliya islamarkaana ay doonayso in xal dhammaystiran laga gaaro khilaafka labadaas dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in guddiga xaqiiqo raadinta IGAD uusan dhex-dhexaad ahayn waxaana ay dowladda Jabuuti ku eedaysay in ay Kenya la safatay.

PUNTLAND POST