Qarax Khasaaro geystay Oo Ka Dhacay Degmo Ka Tirsan Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Maanta halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo geystay khasaaro.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla meel aad sidaas uga fogeyn Saldhiga Booliska degmada Diinsoor, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka saddex qof kale oo isugu jira dad shacab ah iyo Askar ka tirsan ciidanka dowladda ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi goobta u ku sugnaa xiligii uu qaraxu dhacaayay.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa xiligaan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ka wada baaritaano kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga, waxaana la sheegay in howlgalka lagu qabtay dad u badan dhalinyaro.

PUNTLAND POST