
Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo xalliyo isfaham darrada soo jiitantey ee hakisay doorashada Soomaaliya 2020/2021.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddigu ayaa lagu sheegay in Guddigu soo dhaweynayo heshiis dhexmara hoggaanka siyaasadeed ee dalka, si xal looga gaaro khilaafka taagan ee la xiriira arrimaha doorashada.
Guddigu, wuxuu bogaadiyay dadaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomidda doorasho loo dhanyahay.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.