Biden oo markii u horraysay Khadka Taleefonka kula hadlay Putin

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden, ayaa shalay markii u horraysay Khadka Taleefonka kula hadlay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee Maraykanka.

Madaxweyne Biden, ayaa Mr Putin u gudbiyay walaaca uu ka qabo arrimo ay ku jiraan xariga ay xukuumadda Moscow u geystay hogaamiyaha mucaaridka Ruushka Alexei Navalny iyo weerarka dhanka internetka ee uu Ruushka ku qaadday xukuumadda Washington

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka hadlay kordhinta heshiiska xakameynta hubka Niyukleer ee labada waddan kaas oo dhacaya, marka la gaaro billowga bisha February.

Biden ayaa todobaadki hore la hadlay, Ra’iisul Wasaarayaasha Canada, Britain, madaxweynayaasha Mexico iyo Faransiiska iyo hogaamiyaha Jarmalka.

PUNTLAND POST