Wasiirka Sirdoonka Israel oo socdaalkii u horreeyay ku tegay Sudan

Wasiirka Sirdoonka dowladda Israel, oo lagu magacaabo Eli Cohen, ayaa markii u horraysay booqday waddanka Sudan, si loo xoojiyo heshiis nabadeed oo labada dal wada-saxiixdeen bishii October ee sannadkii tegay.

Wasiir Cohen, wuxu Khartoum kula kulmay Hoggaamiyaha Sudan Abd al-Fatah al-Burhan iyo wasiirka Difaaca dalkaas Yassin Ibrahim, oo ay ka wada-hadleen Iskaashiga labada dal ee Arrimaha Amniga iyo xoojinta Heshiiskii Nabadda.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Mr Eli Cohen, kadib markii uu ku laabtay dalkiisa, ayuu ku sheegay in socdaalkiisu uu muhiim u ahaa iskaashiga labada waddan ee dhinacyada Amniga iyo Sirdoonka.

Dhinaca Sudan, weli kama hadlin safarka Wasiirka Sirdoonka Israel, oo aan markii hore la sii shaacin.

PUNTLAND POST