Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowlada soomaliya iyo kuwo uu hogaaminaayay Wasiir Janan oo ka tirsan Jubbaland.
Diyaarad gaar ah ayaa Beled-xaawo looga soo qaaday ku dhawaad 20 qof oo isugu jira Askar ka tirsan Ciidanka dowladda iyo dad shacab ah oo ku dhaawacamay dagaalkii dhacay, kuwaasi oo laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.
dhaawacyada oo gaadiidka deg deg ah looga soo qaaday garoonka diyaaradaha aya la gaarsiiyay xarumaha caafimaadka si wax looga qabto xaaladooda.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ciidan uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Jubbaland.
PUNTLAND POST