Mas’uul ka tirsan Jubbaland oo lagu dilay Kismaayo

Waxaa caawa magaalada Kismaayo lagu dilay Cawil Cali Barre (Cawil Buluq) oo ahaa mas’uul ka tirsan dowlad goboleedka Jubbland iyo ganacsade.

Cawil Buluq oo kamid ahaa madaxda dakeda Kismaayo iyo labo qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhinteen israsaasaym dhexmartay ciidamo kawada tirsan Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Cawil Cali Barre oo ahaa mas’uul ka tirsan Jubbaland uu ku dhintay israsaasayn ka dhacday bar-kantarool oo u dhaweyd guriga uu ka dagan yahay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu xusay in hay’adaha amniga Kismaayo ku guda jiraan waxa sababay rasaastaas.

Magaalada Kismaayo waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysto ganacsatada Jubbaland.

Bishii December ee sanadkii hore 2020 waxaa magaalada Kismaayo lagu dilay dhakhtar lagu magacaabi jiray Yuusuf Axmed.

Bishii October ee sanadkii hore 2020, waxaa Kismaayo lagu dilay Cabdullaahi Sheekh Cabdisaam (Shigshigow) oo ahaa maamulihii Amal Bank Kismaayo.

Bishii September 2020 waxaa qarax ismiidaamin ah oo gudaha Kismaayo ka dhacay lagu dilay Shaafi Raabi Kaahin oo ahaa ganacsade weyn, isla markaana ahaa guddoomiyihii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland.

Bishii October ee sanadkii 2019 waxaa Kismaayo lagu dilay Xaaji Siciid Ciise Cabdi (Siciid Addoon) oo ahaa ganacsade caan ah oo saameyn ku leh Jubbaland.

Dilalkaas ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadooda, sidoo kale Jubbaland ilaa hadda maxkamad ma keenin cid lagu eedeeyay.

PUNTLAND POST