Jubaland oo si rasmiya u shaacisay in ay qabsatay degmada Beledxaawo

Dowlad goboleedka Jubaland, ayaa si rasmiya u shaaciysay, in ay gebi ahaanba gacant ku dhigtay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Telefishinka JubalandTV, ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta Jubaland ,ay si buuxda ula wareegeen degmada Beledxaawo, kadib dagaal xooggan oo xalay iyo saaka halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamo daacad u ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jubaland waxay sheegtay, in dhammaan Ciidamada Federaalka laga saaray degmada Beledxaawo, islamarkaana dagaalku uu haatan ka socdo daafaha magaalada, inkastoo aysan faahfaahin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Waxa xusid mudan, in aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Jubaland ee la xiriirta in ay qabsadeen Beledxaawo, xilli dowladda Federaalku ay sheegtay in ay iska caabisay weerar uga yimid Ciidanka Cabdirashiid Janan.

PUNTLAND POST